Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Nin Odey ahaa ku toogtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Goobjoogayaa ayaa waxaa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay Xaafada horseed ee Dhuusamareeb, isla markaana Askariga uu  si bareer ah u dilay Odeyga xili uu halkaas ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale, kaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka Dhuusamareeb, waxaana goobta ka markii hore ka baxsaday Askarigii falkaas geystay.

Intaas kadib Ciidanka amniga dowladda ayaa howlgal kala duwan ka sameeyay Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona markii dambe soo qabtay Askarigii dilka u geystay Cabdiraxmaan Siigaale.

Saraakiisha amniga Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga gacan ku dhiiglaha ahaa lagu xiray Xabsi ku yaalla halkaas, isla markaana sharciga lahor geyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here