Warar kala duwan oo ka soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Duleedka Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo wada jira & Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayey ay weerar kala kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab,sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland.

Dad ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni halkaas oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Saldhig ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dagaalkaas,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 5 Askari 9 kalena ay ku dhaawaceen wallow aysan jiin Warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno deegaanka Baar-Sanguuni iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Si kastaba dagaalka ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegeen Degaannada Kaban, Bangeeni, Maano Muufo, oo 3KM ujirta  Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!