Reading Time: < 1 minute

Dagaalamaayl ka tirsan Al-shabaab ayaa waxa Xalay Weerar xoogan ku qadaan fariisin ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISON ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hiir-shabelle.

Dagaalkaa ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan waxaana laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana Dagaalkaa ka dhashay khsaara xoogan oo soo gaaray dhinacyadii dirirtu dhexmartay woloow aan ilaa iyo hada la ogayn halka uu Khasaaruhu gaarsiisanyahay.

ma ahan markii ugu horaysay oo ay Al-shabaab soo weeraraan fariisin ay leeyihiin Ciidanka Dowladda oo ku yaala Magaalada Joowhar mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxaya Madaxda sare ee Maamulkaa kaa oo ku aadan Dagaalkii Xalay Dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here