Warar hor dhac ah oo sheegayo in qaar ka mida ragii weeraray Kismanyo ay ku yimaadeen diyaarad

Reading Time: < 1 minute

Warar hordhac ah oo aan wali  xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mida argagaxisadii shalay weerarka ku qaaday hotelkii Cascaseey ee Kismaanyo ay diyaarad ku yimaadeen.

Warkaan oo laga soo xigtay qaar kamida saraakiisha Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hadii uu xaqiiqoobo abuurayo tuhun ah in weerarka laga soo abaabulay magalaada Muqadishu.

Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku haya hal qof oo  ka mida ragii weerarka gaystay. Qofkaan oo dhaawac ah ayaa hadii uu bogsado laga heli doonaa warbixin buuxda oo oo ku saabsan cida soo abaabushay weerarka iyo halka laga soo abaabulay.