Waxa Faahfahino ka so baxayan toogasho manta ka dhacaday degmada hodan gaar ahaan Xaafada Seybiyaano iyado ciidamo katirsan dowladda Federaalka Somaaliya ay halkaasi ku toogteen ruux watay gaari nooca Zaruf lo yaqaano.
Ciidamadda dowladda ee ku sugan Inta u dhaxeyso Daarta Seybiyaano iyo Isbitaal Banaadir ayaa ninkaan ku amray inuu gaariga istaajiyo, wuuna ka dhaga adeegay,wuxuuna lasoo baxay qori taa oo markii dambe sababtay in ciidamada ay toogtaan.
Dad ka agdhawa halka falka uu ka dhacay ayaa sheegay in ninkaasi inta aan la toogan uu lasoo baxay ID ama aqoonsi, balse ciidamada dowladda ee aagaasi ku lahaa jakboontiga ay ka diidayn aqoonsiga ninkaasi uu watay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninkaasi uu la shaqeynayay gudoomiyaha mucaawinada degmada Afgooye, maadaama uu ninka la dilay makii hore kasoo anba baxay degmada Afgooye.