Warar Dheerad Ah oo kaso Baxaya Dagalamayal Al Shabab Ka Tirsan oo Xarun Dagmo Ku Weraray Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday xarunta degmada kaxda ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xoogaga katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay iney xalay xarunta degmada kaxda kusoo weerareen bambaanooyin iyo hubka nuucyadiisa fud fudud, waxaana halkaasi ciidamada dowladda ee saldhiga degmada ku sugnaa iyo Al-shabaab kii weerarka soo qaaday dhax maray iska hor imaad mudo socday.

Ruux kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sakay in ciidamada dowladda ay sameynayeen howlgalo dhalinyaro lagu soo qab qabtay dhalinyaro kuwaasi oo ciidamada ay ula dhaqaaqeen dhanka saldhiga degmadaasi.

Mararka qaar dagaalyahano katirsan Al-shabaab aya weerar ku qaaday xarumaha kala duwan ee ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka degmada Kaxda ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.