Warar dheeraada weerarkii lagu qaaday shirkad ganacsi – Bosaaso & Sawiro

Reading Time: 2 minutes

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeryooday, ilaa afar kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xarunta shirkadda ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa ku bilowday bumbo-gacmeed lagu tuuray dhismaha shirkadda Al-Macruuf, kaas oo sababay in gabi ahaanba uu gubto qeybta laga dukaameysto (Supermarket) ee shirkadda.

Xilliga weerarku dhacayay ayaa goobto aheyd mid mashquul ah, kooxdii weerarka fulisay heybtooda ayaana goobta isaga baxsaday.

Gaadiidka dab-damiska iyo laamaha amniga gobalka Bari ayaa gaaray goobta, waxaana ay sameeyeen dadaalo lagula tacaalayo in uusan dabku kusii fidin goobaha ganacsi ee ka agdhow dhismaha Al-Macruuf.

Ururrada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weerarada lagu beegsanayo shirkadaha ganacsi ee ka horyimaada canshuuraha ay qaadaan ka fuliya magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso. laamaha amniga Boosaaso ayaa sheegay in weerarkan geysteen argagixisadu.