Warar dheeraada qaoo laha helaya qaraxii Kismaanyo ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar aanu ka helayno magalaada Kismaanyo, waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay guri uu ka degen yahay magaalada Kismaayo Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi.

Waxaa la sheegayaa in qaraxu uu ka dhacay qol ka mid ah qolalka guriga wasiirka waxaana ku dhintey saddex askari oo la sheegay in ay ahaayeen ilaalada wasiirka. Wasiirka deegaanka iyo dalxiisa Jubbaland oo aan waxba ka soo gaarin qaraxan ayaa warbaahinta u sheegay inuu caafimaad qabo oo Alle ka badbaadiyay qaraxa.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo fahfaahin badan, laba kamid ah dadka ku naf-waayey falkaas waxay kamid ahaayeen ilaaladiisa, halka marxuumka kale uu kamid ahaa dhalinyarada xaafadda. Wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay qaraxa iyo askari kamid ah labada ku naf-weyday weerarka ayaa ahaa walaalo, sidda wasiirku qiray, isagoo tacsi tiiraanyo le u diray ehelka iyo asxaabta ay kawada dhinteen.

“Walaahi waxay u muuqataa in ay doonayeen in ay ku dilaan wiilasha ilaaladeyda ah ee qolkaas wada dagneyd,” ayuu ku daray hadalkiisa. “Qolka wuxuu ahaa irid banaan. Waxaana kaliya deganaa ilaaladeyda. Miinada waxaa la saarey daaqada. Burbur yar oo ah meesha miinada ka baxdey ayaa ka dhashay”.

Ururka Argagaxisada Al shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxan ka dambeeyeen hase yeeshee Maamulka Jubbaland ayaa ku dhowaaqay baaritaan la xiriira qaraxa.