Warar dheeraad ah: Weerarkii hoobiyayaasha ee lagu qaaday Madaxtooyadda (Sawiro)

Reading Time: < 1 minute

Wararka dheeraadka ah ee naga soo gaaraya Madaxtooyadda ayaa sheegaya in dhowr hobiyayaal ay ku soo dhaceen afar meelood oo ka tirsan madaxtooyada gudaheeda iyo nawaaxigeeda.

Villa Soomaaliya oo ah xafiiska Madaxweynaha dabaqa kore waxaa ku soo dhacay hal hoobiye, mid kale waxa uu ku soo dhacay Villa Hargeysa isaga oo ku dhacay gaari uu leeyahay Gudoomiye ku xogeenka Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey, mid kale waxa uu ku dahcay xafiiska gudiga doorashada madaxa banaan. Waxaa sidoo kale wararka hordhaca ah ay sheegayaan in mid ka mida hooboyayaasha uu ku dhacay Wasaaradda Ganacsiga oo ku dhagan madaxtooyada taas oo ku beegan dhanka Tiyaatarka.

Waxaa jira dhaawacyo dad soo gaaray, laakiin wali nama soo gaarin qasaaraha ay geysteen hoobiyayaasha lagu soo weeraray Madaxtooyada.

wixii soo kordha gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.