Warar dheeraad ah: Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warark  ka soo baxaya goobta qarax xoogan  ka dhacay Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay Albaabka hore ee Afrik oo ku yaalla Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hotelka Afrik ayaa  ku yaalo meel aan sinas uga fogaynin  Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde,iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan.

Waxaa hadda ka so socda goobtaas Gurmad loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaan uu dab xoogan qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4. Nasiib xumo  xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad ugu qulqulayeen dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen.

Waxa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska kuwaas oo  xiray Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.