Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar dheeraad ah oo ka imaanaya magalaada Baydha qarixii saakay ka dhacay magaaladdaas ayaa waxa ka dhashay khasaaraha xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey toddoba qofood ayaa ku geeriyootay qaxaxa saakay ka dhacay Baydhaba, iyadoo in ka badan 10 kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa la sheegayaa in afar ka mid ah dadka ku geeriyooday qaraxaas waa askar ka tirneed booliska maamulka Koonfur Galbeed, halka seddaxda kale ay ahaayeen dad shacab ah. Qaraxa oo ahaa miino lasii diyaariyey ayaa ka dhex dhacay makhaayad ku taalla meel u dhaw bar koontorool oo laga galo magaalada Baydhaba, waxaana makhaayada ku sugnaa askartii ku sugneyd bartaas kontorool.