Waxaa Saakay degan xaalada guud ee deegaanka Dac dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud kadib markii shalay uu dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka qarxayay degaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa Allmareeg u Sheegay in Saakay xaalada ay tahay mid degan isla markaana aysan jirin wax dagaal ah oo laga cabsi qabo inuu ka dhaca deegaankaasi, Inkastoo xiisad dagaal laga dareemayo deegaankaasi.
Sidoo kale waxaa la sheegay in aysan jirin wax dhaqaaqyo Ciidan ah oo laga dareemayo goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Dac Dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.