Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ay geeriyoodeen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka, iyo sidoo kale gabadh qaabilsananeyd baarista dadka haweenka ah ee soo galaya degmada.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray dad isugu jira Shaqaallaha degmada iyo dad rayid ah oo shaqooyin kala duwan loo qabanaayay.
Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda degmada Howlwadaag.
Gaariga qarxay oo ahaa PRADO ayaa kasoo gudbay Iridda degmada laga galo, waxaana uu ku qarxay xarunta degmada Bartamaheeda.
Carruur dhiganaysay dugsi Qur’aan kasoo horjeedda xarunta degmada ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay sidda maamulka degmada ay sheegeen.
Saraakiil Caddaan ah ayaa hadda soo gaaray degmada, waxaana ay waddaan baaritaano.