Caawa Abaaro 7:45 ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay Jugta Qarax weeyn oo laga dareemay degmooyinka Gobolka Banaadir intooda badan kaasi oo ka dhacay Degmada Hodon.
Qaraxa ayaa lagusoo waramayaa in ay ka dhasheen qasaara kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa geeryootay.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyagoo xiray halka Qaraxu ka dhacay oo aheed,Agagaarka Isbitaalka lagu Magacaabo Soomaali Suudaanees
Wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran waxaana dhacaya dilal qorsheeysan iyo Qaraxyo