Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Al Shabaab oo lawareegay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyaan ah

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi badan ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay aheyd waxaa ay weerar dhowr jiho ah ay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Gaarisa.

Intaas kadib dagaal toos ah ayaa gudaha saldhiga ka qarxay, kaasi oo u dhexeeyay Al-shabaabkii weerarka soo qaaay iyo Ciidana ku sugnaa Saldhiga.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in Ciidanka Booliska Kenya ay kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise, islamarkaana ay dab qabadsiiyeen Xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee ku taallay halkaas.

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ragii weerarka ku qaaday Saldhiga Kenya ay halkaas kasoo qaateen wixii yaallay Saldhiga oo u badnaa saanado melleteri oo lahaayeen Ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciianka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Al-shabaab ay qabsadeen Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Gaarisa.