Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya shacab oo lagu xasuuqay Degmada Kaxda

Reading Time: < 1 minute

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay fidkii degmaada Kaxda ku xasuuqay  dad Shacab ahaa oo fadhiyay Maqaaxi laga cunteeyo. Waxaa halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxaa MOL loo xaqiijiyay in isla goobta falka ka dhacay ay ku dhinteen, sadax qof, halka ay ku dhaawacmeen Shan qof oo kale.

Dad goobjoogyaal ah ayaa sheegay sheegay in weerarkaas ay geysteen rag ku hubeysan qori AK-47 ah oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah, marka ay dilk gaysteena ay halkaa isaga carareen.

Inkastoo aan wali la cadaynin hadana Ehelada dadka xalay la dilay qaarkood ayaa sheegay in  dilkaan ay ku tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday habeen kahor lagu dilay degmadaas, sidoo kalena lagu dhaawacay wiil uu dhalay iyo Haweeney kale.