Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qoryooleey

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Wakaalada Wararka ee  SONNA ayaa sheegay in xalay  Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen degmadda Qoryooleey qasaare loogu geestay.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay Khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,isagoona tilmaamay in todobo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday la dilay halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in dhankooda weerarka uga dhintay hal askari,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in weerarka uu ahaa mid dhuumaaleysi ah,islamarkaana ciidamada ka feejignaayeen,taasi oo keenta in la fashiliyo.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan la wareegay deegaanada Jilib-Marka iyo Gandarshe ayuu Guddoomiyaha Gobolku sheegay in hadda xaaladooda amni ay wanaagsan tahay,islamarkaana suurta gelisay in  Al-Shabaab laga saaro dhulka xeebaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshemaleeshyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ku teedsan Wabiga,maadama uu soo dhammaaday qorshihii deegaanada Xeebta Al-Shabaab looga soo saarayay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidadamada Xooga dalka ayaa wado Hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab kuwaasi oo ay kawadaan deegaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.