Sawiro: Warar dheeraad ah oo ka soo baxay xasuuq xalay ka dhacay magalaada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xasuuq xalay ka dhacay magaalada Gaalakcyo. sagaal qof ayaa la sheegayaa in caawa duleedka magalada Gaalkacyo lagu toogtay halka mid kalana uu dhaawac halis ah soo gaaray. Dilka ayaa la sheegayaa iney geysteen maleshiyaad hubeysan oo ka careysan dil horay loogu geystay Marxum Cali Tahliil Cadceed Cilmi (Cali Dhiif) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka.

Wararka waxa ay sheegyaan in   dadka la xasuuqay laga dhax qabtay Gudaha magalada Galkacyo ka dibna loo kaxeeystay duleedka magaalada Gaalkacyo halkaas oo dhamaantood lagu toogtay.

Dadka soo qaaday maydka  ayaa sheegay in dadka lagu xasuuqay hal goob  waxaana hadda la keenay isbitaalka Gaalkacyo. Dadka la xasuuqay ayaa ka soo jeeday degaankan Koonfur Galbeed.  Magalaada Galkacyo ayaa waxa ku nool kana ganacsada dad ka soo jeeda Jaaliyada Koonfur Galbeed.