Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dagaal saaco qaatay oo xalay dhexmaray Al Shabaab iyo  AMISOM

Reading Time: < 1 minute

Xalay saqdii  dhexe waxaa ka dhacay deegaanka Arbacow ee ku yaala duleedka magaalada Muqadishu dagaal aad u xoogan oo dhexmaray Ciidanka AMISOM iyo kooxda Al Shabaab.  Dagaalkaas oo socday mudo saacado ah ayaa ahaa dagaalkii ugu dheeree ee dhawaalan dhex maray labada dhinac.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay dagaalka ayagu soo qaadeen kaas oo ay dhibaato badan ku gaarsiiyeen ciidanka AMSIOM. Dagaalka ayaa lugu qaaday fadhi ay  ciidamada AMISOM ku lahaayiin duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Al-Shabaab  ayaa ka sheegtay warbaahinteeda gaar ah  in dagaalkaas ay ku dileen  in ka badan 30 askari oo iskugu jiray Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM gaar ahaan ciidama ka socday dalka Burundi oo ay ku sheegeen in ay ku sugnaayeen saldhiga ay xalay weerareen.

Wali ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay AMISOM ama ciidanka dowlada oo ka hadlaya  dagaalkii xalay dhacay.  Marka ay dhacaan dagaalada noocaan ah ayaa waxa looga baratay AMISOM iyo dowlada fedaraalka in ay ka hadlaan. Amusnaanta AMISOM ayaa muujinaysa in dhibaato ka soo gaartay dagaalkaas xalay lagu qaaday ciidankooda.