Warar Dheeraad Ah Aya Ka So Baxaya Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho&Al Shabaab oo Shegtay Dilka Sarkaal Weyn

Reading Time: < 1 minute

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degaanka Tareedisho.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fog laga hago ayaa waxa lala eegtay Gaari Cabdi Bile ahaa oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Qaraxan aya lashegay in ay ku dhinteen Sarkaal laba xidigle ahaa iyo Saddex Askari oo ka tirsan ilaaladiisa,sido kale waxa la shegay in ay ku dhawacmeen lix ruux oo ka ag dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay.

Bogaga al shabaab aya lagu baahiyay in qaraxasi ay ka danbeyen waxa ayna shegen in qaraxaasi ay ku dileen Gudomiyihi hore ee degmada ceelbuur Cabdi Xasan Biyo Quute hadana ka mid ah saraakisha milatariga soomaaliya.

Weli war rasmi ah lagama haayo shegashada al shabaab ee dilka sarkaal biyo quute.