Waxaa beryahan soo xoogeysanayey dad raba inay naga niyad jebiyaan dalka iyo tallaabooyinka wanaagsan ee la qaaday, waxay been ka sheegaan sida ay wax noqonayaan iyo sida ay wax u socdaan. Haddaba si aan shacbiga loo marin habaabin waxaa Khasab nagu noqotay inaan xiriir la sameyno hay’ad waliba oo ay CBB-dii hore madaxtoodii iyo Mediyaha ay adeegsan jireen weli ka dhex wada been aan sal iyo raad toona lahayn.
Geylan media ayaa mar waxay soo baahisaa warar aan sal iyo raad toona lahayn oo marin habaabin weyn ah. Tusaale muuqaal codeysan oo been badan lagu xardhay ayaa waxay soo dhigeen bartooda Facebook.
Laakiin nasiib wanaag dowladdaan ayaa waxay tahay dowlad I tus oo I taabsii ah waxaan toos ula xiriirnay hay’adaha laga been sheegay waxayna na siiyeen wararka runta ee arrinkaas ku saabsan.
Si shacbiga ay uga qancaan waxaa isu dul taagi doonnaa midmid:
- Qoodoka uu been baahiyaha ku sheegay in EU heshiiskeeda iyo la fagal galka Somaliya ku soo koobtay 2 sano halkii ay dowladdii Farmajo ka saxeexday 5 sano waa run sababtusa maaha sida uu baahiyey Been Baahiyaga Geylan Media. Ciidanka ATMIS waxay dalka ka baxayaan Hadda dowladda Somaliya ee hadda joogtaa waxay heshiis walba oo EU iyo beesha caalamka lalagalayo lagu soo koobay 2 sano waayo magacayada iyo awoodaha ayaa isbadalay sida Wakiilka Xoghaya Guud wuxuu noqonayaa Country Director (Agaasimaha Dalka) sida Kenya iyo dunida kalaba uu ka yahay. Sidaas darted dowladda waxay dalkan u diyaarineysaa laba sano gudahood inuu noqdo dal u madax bannaan dhamaan hawlihiisa, dunidana wax la qabsada. Tan oo Been Baahiyaha Geylan Media (BBGM) uu u fasiray inay EU diiday 5 sano. Dowlada Somaliya ayaa diiday, waxaana la mid ah UNDP oo la timid in lala galo heshiis ah ilaa 2030, waa ka diiday dowladda MW Xasan Sheekh waxaana laga dhigay 2026, waayo dalka waa inuu u madax bannaanaadaa shuruudaha lala galayo.
- Qodobka uu si weyn u buunbuuniyey oo ah inay Bangiga Adduunak iyo Hay’adda IMF ay Somaliya waxqabkeeda saluugeen waa been, waayo 4 maalmood ka hor ayey waxay soo sareen warbixin dheer oo aan qeyb idin kaga soo qaaday taas oo ay ku yiraahdeen ( … Go’aanku gudiga IMF wuxuu ogolaanayaa in si degdeg ah loo bixiyo qiyaastii US$ 9.4 milyan oo doolarka Mareykanka ah…. Guddiga fulinta (IMF) ayaa sidoo kale ansixiyay. Kaalmada ku meel gaarka ah ee HIPC ee afraad oo dhan SDR 2.211 milyan si ay u daboosho 100kiba boqol adeegga deynta Soomaaliya ee ay xaqa u leedahay IMF taasoo ku dhacaysa inta u dhaxaysa June 17, 2023 iyo June 16, 2024 ama HIPC Completion Point, hadba kii soo horreeya. ….Waxqabadka barnaamijka dowladda wuxuu ahaa mid lagu qanco oo HIPC Barta Dhamaystirka waxay u muuqataa mid la gaari karo 2023Q4 oo loola jeedo afarta bilood ee ugu damebysa sannadakan”. Halkaas waxaa ku dhimatay beentii BBGM.
- Markii uu MW Xasan Sheekh ka tagay talada 2017 waxaa uu aad u habeeyey laba waxyaabood; darajooyinka Ciidanka oo jaantaa rogan aha iyo darajooyin shaqaalaha dowladda oo markaas ahaa 5,500. Hasa yeeshee Maamulkii MW Farmajo oo uu Geylan ka agdhowaa ayaa waxay qoreen 4000 shaqaale oo ay u bixiyeen shaqalaha Ku meel gaarka ah, , waxana ku jiray Faarax Cabdulqadir Geylan taaso oo aan xataa si caddaalad ah loo sameynine laba jeer ka mushaar badan shaqalaha joogtada ah. Hadda waxaa la wadaa dib u sixid iyadoo ay dhib tahay shaqaale loo qoray mushaar badan looguna yeero ku meelgaar, in sahal ah iska bax loo yiraahdo. Marka shaqaale cusub lama qorin ee sida ay noo sheegtay wasaaradda ku shaqada leh waxaasa dhib ka haystaa shaqaale lagu sheegay ku meel gaar ah oo laga dhaxlay dowladii Farmajo iyo sidii sharciga shaqaalaha loo waafajin. Xataa aqoonyahannao ayaa ku doodayey in shaqaale cusub la qoray, saxna maaha.
- Ugu dambeyn Miisaaniyadda: Miisaanaiyadda hadda lagu shaqeeyaa qiyaas maaha waa mid ka tarjumeysa xaaladda dhabta ah ee uu dalka maryo. Wasiir Beyle waxaa uu dhex deggaanaa Madaxtooyada wuxuuna xafiisak tagi jiray markuu rabo inuu raad gato oo filim isaga soo qaado, laakiin wasiirka hadda joogaa Maaliyadda waxaa uu toos u fadhiistaa Xaruunta wasaaraadiisa, looma yeeriyo waxa miisaaniyada lagu soo darayo ama lama reebayo ee qaabkii sharciga ee miisaaniyadda loo diyarin jiray iyo madaxyadii lakala gelin jiraa ayaa lakala geliyaa.
Isku soo xoori Been Baahiye Geylan Media ha ku sabro in beenta waqtigeedii uu dhamaaday oo CBB ay dhimatay. Dowladdaan waa dowlad daah furan Madaxdweynaha Masaajidka ayuu shacbiga kala hadlaa isagoo aan loo dhaxayn, halka madaxweynaheennii hore Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu albaabka hoose xafiiska uu ka soo gali jiray kana bixi jiray si dadka uu uga dhuunto. Masaajid isaga warkiiba daa inuu ka hadlee inta jeer ee uu dhex tagay ayaa tirsan, waxaana ka eryey sheekh ku yiri Cumar Ibnu Khadhaab ayaad wax badan wadaagtaan , laakiin mid kalaa ku yiri Hadda ogow MW Cumar Masaajidka ayaa lagu dilay maalintaas ayaa ugu dambeysa masaajid.