War Xanuun Badan: NISA oo sheegtay inay Hayso Dalkii soo Ababulay Qaraxii lagu Dhamaaday

Reading Time: 2 minutes

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata qaraxyada Soomaaliya, aysan weli sheegin qaraxii Ex-Control oo ay ku dhinteen 81 qof.

Qaraxaas ayaa ahaa kii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya, kadib qaraxii 14-ka October ee 2017, iyo qaraxii Hargaha iyo Saamaha.

Arrintaan waxay u eg tahay in dagaalkii ka jiray bariga dhexe loo soo rarayo Somaliya oo uu waliba xoogeystay. Haddii uu warkaan run noqdo waxaa soo baxaya in dowladdaan dalka ay gelisay halis weyn taas oo ay adkaan doonto inuu ka badbaado.

Turkiga waa walalaha ugu weyn ee ay Somaliya leedahay waxyna mar waliba la garab taagnaayeen taageero hiil iyo hooba leh. Sidoo kale Imaaraadka ayaa Iyana ahaa dal xeligii la soo maray ee adkaa 1990-2016 kala qeyb qaatay Somaliya inay jiro. Waayo taagearada dhaqaale iyo badbaado waxay dalka uga iman jirtay oo kaliya dalka Imaaraadka oo Somalida u ogolaaday inay ka ganacsadaan kana furtaan xaawalado dunida oo dhan laga cadaadiyey.

Laakiin maanta siyaasad xumada dawladdaan Faramjo ayaa halkaan dalka dhigtay, waana arrin u baahan in wax looga qabto si degdeg ah oo la badalo dowladdaan uu sannadka u haray.