War Saxaafadeed ay soo saareen golaha dhaqanka beesha Saleebaan (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Shir Ay iskugu yimaadeen golaha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan Maantay oo Tarikhdu tahay 20/7/2019 maagaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug, waxeey kawada hadleen Xaaladda Murugsan ee dowlad goboleedka Galmudug, dood iyo falanqeyn dheer kadib waxey soo saareen qodabada sosocda.

1. Gogasha dib u heshiisiinta ee Dowlada Fadaralka Soomaaliya Kafurtay Magalada Dhuusamareeb, waxey beshu go’aansatay inaysan kaqeyb galeyn kadib markii Ay uga baxeen balantii Ay lagalen Beesha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu.

2. Beeshu waxeey cadeyneysaa in lagu tuntay lana baabi’iyay dastuurka qaranka iyo kii Galmudug lagu dhisay kuna heshiiyeen koobya tobanka qabiil oo ay ka kooban yihiin Reer Galmudug waxeyna Dowladu Ka doorbiday in ay lasafato kooxdii kaso horjeeday dhismihii Galmudug 2015 kooxdaas oo dhibaato gaarsiisay qeybo badan oo Galmudug kamida tasoo Aan wali laga heshiin.

3. Beeshu waxey cadeyneysaa in aysan diidaneyn dib uheshiisiin in loo sameeyo Reer Galmudug waxeyna soo jeedineysaa in ay kadhacdo doorashada iyo dib uheshiisiintuba meel amaan Ah oo ka madaxbanaan gacan ku heynta ururka SUFO kuwaasoo ugaystay boogo shacabka Reer Galmudug aysan wali ka bogsoon.

4. Beeshu waxey gows danbeedka ku heysataa Marnaba Ayna ka tanaasuleyn go’aankii Madaxweyne Axmed Ducaale Geele [Xaaf] uu soosaaray 24/6/2019 kasoo ahaa in dorashadu kadhaceyso Cadaado Galmudug-na ku shaqeyneyso.

5. Beeshu waxey taagereysaa kana qeyb galeysaa Shirka nabadeynta iyo dib u heshisinta Beelaha Habargidir ee kasocda Magalada Hobyo kasoo rajo weyn laga qabo in ay kaso baxan qodobo wax ku ool ah.

BAAQA BEESHA

1. Waxey beeshu ugu baaqeysaa Beelaha Reer Galmudug in Ay aayahooda katashadaan iyagoo kamadax banan urur diimeedyo iyo faragalin Dowladed intaba.

2. Beesha Caalamka iyo Saaxiibada Soomaaliya daneeya iyo
ururada caalamiga Ah waxey Beeshu ugu baaqeysaa in aan lagu taagerin xag siyaasadeed iyo mid dhaqale toona dowlada
Soomaaliya iyo kooxda Sufo Waxa ay kawadan Dhuusamareeb Tasoo horseed unoqon karta burbur iyo caqabado hor leh.

Wabilahi Towfiiq