Madaxweynaha Eritrea Isais Afawerki ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib safar labo maalin ahaa oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha Eritrea waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka sagootiyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliya.
Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn kulankooda laga soo saaray warmurtiyadeed ku saabsanaa waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa xiriirka labada dal, In Soomaaliya laga caawiya dhismaha ciidan qaran, iyo in la xoojiyo isdhexgalka labada shacab iyo in sidoo kale la xoojiyo ganacsiga labada dal.