War-murtiyeed ay soo saareen qaar kamida musharaxiinta looga guuleystay-doorashada

Reading Time: < 1 minute

War-murtiyeed  ay soo saareen qaar kamid ah musharaxiinta looga adkaasay doorshada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ay ku muujiyeen dareenka ay ka qabaan tallaabooyin uu qaaday
madaxweynaha Soomaaliya iyo iyo cabsida ah ka qabaan muddo kororsiga madaxda dowlad goboleedyada.

Siyaasiyiinta ay ku jiraan madaxweyne hore, guddoomiyaal Baarlamaan iyo ra’isul wasaarayaal ayaa waxa ay ka digeen in la abuuro khalalaase siyaasadeed,
waxa ayna diideen in awood qeybsiga dalka hadda ku dhisan yahay heshiis la’aan la bur buriyo.

Waxa ay sidoo kale siyaasiyiinta madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen in uusan isku dayin muddo kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.