War Laga soo saaray Awooda Daacishita Sooamaaliya oo sii Fideyso

Reading Time: < 1 minute

Ururka  Daacish ayaa la sheegay in ay balaariyeen weerarada ay kuqaadayaan saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan koofurta Soomaaliya.

Ururka la magac baxay dowladda Islaamiga ee Daacish faraca Soomaliya ayaa la shegay in laga cabsi qabo in kooxdaasi ay usoo wareegaan koofurta Soomaaliya, maadama deegaanada dhaca waqooyiga Soomaaliya sida Puntland oo mudo ay ka dagaalamayeen.

Dhanka kale tataliye sare oo katirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay xubno katirsan kooxdaasi ay bartil maameed sanayeen sarakiisha ciidamada amaanka koofurta Soomaliya gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay masuuliyada dilalka qorshesan ay la bartil maameed sanayaan saraakiisha ciidamada amaanka Soomaaliya.

Lataliyaha soo sii hadlayay ayaa carabaabay in Daacish garabkeda ka dagaalama guud ahaan Soomaliya tiro ahaan marka loo eego ay yaryihiin, balse loobahan yahay siyaasad cad oo lagu wiiqi karo kooxdaasi ayuu yiri Steven Wilchn oo ah la taliyaha dhanka dhibada uqaabilsan Sirdoonka Mareykanka.

Mudooyinkii ugu dambeyay waxaa barahooda bulshada ay soo dhigeen sawirro muujinaya dilal loo geysanayo masuuliyiin dhanka amniga ee ku sugan magaalada madaxda dalka iyadoona dowlada soomaaliya ay sheegtay in ay gacanta ku soo dhigen raggaasi ka dambeeyay weeraro qorshesan oo dhawaan kadhacay magaalada muqdisho.