WAR DEG DEG:Waare oo sheegay in uu farmaajo iyo kheeyre la heshiiyay+Dhageyso

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynha Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare oo shir jaariid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Maamulkiisa inuu la hishiiyay Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya oo qilaaf xoogan kala dhaxeeyay Maamul Goboleedyada Dalka.

Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay in xurguftii kala dhaxeesay dowlada lagu dhameeyay wadahadal, sidookale Waare ayaa Xusay in qilaafka taagnaa oo Maamulkiisa kala hishiiyay Dowlada Soomaaliya.

Waare ayaa sidookale sheegay in maamulkiisa si gooniya ula hishiiayy dowlada dhaxe, waxuuna ugu baaqay Maamul goboleedyada inay dhankooda la hishiiyaan dolwada .

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo qeyb ka ahaa maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan shir ay ku yeesheen  Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose kaga dhawaaqay inay xiriirka kala dhaxeeyay dowlada hakiyeen, waxeyna ku baaqeyn in lahelo gacan sadaaxaad oo dhex dhaxaaadisa.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa dhabar jab waxaa oo ku noqonayaa Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo isku raacsana markii hore in si isku mid ah loo xaliyao tabashada ay qabaan Maamul Gobaleedyada.

Halkaan ka Dhageyso