WAR DEG DEG:Shan Qof Oo Lagu Toogtay gudaha Magaalada Muqdisho&Xaalada Oo kacsan

Reading Time: < 1 minute

Shan qof oo Saarnaa Baabuur nuuciisa Karoola yahay ayaa goordhaw waxaa rasaas lagu furay waxa ayna dadkaa marayeen halka loo yaqaan Beerta qaadka oo ku taalla Galbeedka Muqdisho.

Baabuur ay saaraayeen rag hubeeysan ayaa lagu horgooyay Gaarigii ay saaraayeen shanta qof ee la dilay, kadibna rasaas ayay muddo daqiiqad ku dhaw huwiyeen, durbadiibana goobta ayay isaga baxsadeen kooxdii dilka fulisay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka ag dhawaa halka ay wax ka dhaceen Ciidamada amaanka ayaa durbadiiba meesha gaaray walina lama qaadin meedka dadkii la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo kordhaya dilalka loo geeysanayo dadka ku nool Magaalada, Waxaana xusid mudan in maanta Magaalada uu ka jiro dibad bax looga Ashtakoonaya dilalka Muqdisho ka dhaca.