WAR DEG DEG:Ku Dhawaa 10 Ka Mid Ah Odayaashii Al Shabaab Afduubteen Oo Soo Baxsaday

Reading Time: < 1 minute

War goordhaweyd  naga soo gaaray Bartamaha Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in 7 Ka mid ah Odayaashii Shabaab Afduubteen Dhawaan ay soo baxsadeen.

Waxgaradkani oo lagu hayey Xabsi ku yaalla Degmada Ceel buur oo Shabaab maamulaan ayaa cagta wax kasoo dayey iyadoo dhexda ay Gaadiid uga hortegeen sidaana loo soo qaaday.

Odayaashani soo baxsaday ayaa hadda kusugan Deegaankii laga qafaalay Ee Gal Qoryaalle oo Udhaw Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud.

Waxay ka xog warameen sida uga suurta gashay inay soo baxsadaan waxaana ay sheegeen in Saaka ilaa Xalay ay Diyaarado  dagaal ay dul heehaabayeen Ceel buur sidaana Shabaab ay kala carar sameeyeen.

Inkabadan 60 Oday Dhaqameed ayaa weli gacanta Shabaab ku jira oo ka mid ahaa kuwii laga afduubtay Isbuucii hore Deegaanka Gal Qoryaalle,waxaana jira abaabul dadka deegaanka wadaan oo ay Shabaab iskaga difaacayaan hadii ay mar kale deegaanka soo galaan.

Maamulka Galmudug ayaa awood aan ka badneyn inay sheegeen 70 Oday dhaqameed in Shabaab Afduubteen shaaciyey oo aysan waxba uqaban la heystayaashaasi gacanta ugu jira Shabaab.