Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Isgooska Foloronsa ee degmada Warta Nabada gordhow ay isku rasaaseeyn Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada iyo rag la sheegay inay wateen Gaarin yar oo nuuca raaxada ah.
Goobjoogayaal ku sugan Isgooka Foloronsa ayaa inoo sheegay in ciidamad ka shakiyeen gaariga islamarkaana ay ragii watay ka dalbadeyn inay istaagan balse ragii gaariga saarna ay ka dhaga adeegen halkaasina ay ku dhex martay israsaasen kooban.
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeyn mid kamida ragii gaariga saarna iyo gaarigiiba,waxaana la sheegaya in gaariga looga shakisan yahay inoo qarax saaran yahay,
Warkaan Waxii ku Soo kordho kala Soco Halkaaan