WAR DEG DEG:Dibadbax Ka Dhan ah Maamulka G/Banaadir oo Ka Socoya Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Banaanbax xoogan oo loooga soo horjeedo Maamulka degmada kaxda ayaa ka soconaya degmadaasi,sida  ay xqajijeen qaar ka mid ah dibad baxayaasha.

Dibad baxayaasha yaa ku qeelinaya erayo ka dhan ah Maamulka G/Banaadir iyo kan degmada Kaxda , oo shalay weerar ku qaaday rag la sheegay inay isbaro utiilay qeybo ka mid ah degmada Kaxda.

Mid ka mid ah odayaasha soo abaabulay dibadbaxan  oo la hadlay warbaahinta ayaa usheeegay in dibadbaxan ay kaga soo horjeedan rag la sheegay in shalay Ciidamada Boosliiska degmada Kaxda ay ku dileyn qeybo ka mid ah degmadaasi.

Bashiir ceydiid oo ka mid ah dibad baxaayasha ayaa sheegay in raga shalay lagu dilay Kaxda aysan aheen Burcad, waxuuna xusay in ay ka tirsnaayen ciidamada ka hawlaga degmada Kaxda,sidookale waxuu intaas ku daray in raga ladilay oo garayay labo ruux horay loo xiray islamarkaana markii danbi lagu wayay dib la isaga soo dayay.

Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay soo faragaliso arintaan ka taagan degmada Kaxda.