WAR DEG DEG:Carabey oo Xilka laga qaaday

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay xilka ka qaadeyn Madaxweyne ku xigeynka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey.

Ilaa 97 Xildhibaan ayaa ucodeesay in xilka laga qaado Madaxweyne ku xigeynka Galmudug Maxamed Xaashi  oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud .

Maxamed Xaahsi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo horay usheegeyn Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb inay xilka ka qadeyn ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waday qorshayaal ka dhan ah Madaxweyna Axmed Ducaale Geelle xaaf oo qilaaf kala dhaxeyo.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa hala keeyay qilaafad udhaxeeyay Maxada ugu sareysa, waxaana isa soo taraya Xildhibaanada ku kala shiraya Dhuusamareeb iyo Cadaado ee sheegaya inay xilka ka qaadeyn Madaxda kala duwan ee Maamulka Galmudug, lama oga xaalada siyaasaded ee Galmudug halka ay ku danbeyn doonto.