War Deg Deg:-Qarax ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay kadib qarax gaari lagu dhajiyay oo ka dhacay Degmadda Boondheere ee Gobolka banaadir.

Ruuxa ku dhintay qaraxa ayaa ahaa qof rayid ahaa oo laamiga marayay, sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xirey Sarkaal ka tirsan nabadda Sugidda Soomaaliya,kaasi oo aan la helin magaciisa.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaan, balse Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga bartay inay sheegtaan masuuliyadda qaraxyadda noocaan ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!