Wararka naga soo gaaraya Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegaya in gordhow kulanka halkaasi ay ku lahaayen Madaxwyen Maxamed cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka uu ku dhmaaday Muran.
Saraakiil ku sugan xarunta wasaarada Gaadhaandhiga oo diiday in magaooda la adeegsado ayaa inoo sheegay in kulan udhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Gen.Gorod la isku fahmi waayay waxyna sidookale shegeyn in lagu kala tagay kulankaasi.
Sidookale Saraakiisha ayaa sheegay in xilka laga qaaday Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Cabdiwali Xuseen Jaamac (Gorod) waxayna inoo shegeyn in xilka Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed loo magacaabay Gen. Indhe Qarshe oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in saacadaha so socdo lagu dhawaaqi doono xilka qaadista lagu sameeyay Taliyaha Ciidamada Xooga Gen.Gorod waxaana lagu wadaa in sidookale lagu dhawaaqo in xilka Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka loo magacaabay Gen.Indho Qarshe.
Cabiwali Xuseen jaamac (Gorod) ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu magdhow siin doono Qoysas ay ciidamada dowlada ka burburiyen guryo ay ku lahaayen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisjho waxanaa arinkaaasi ka carooday Farmajo iyadoona sababta ugu wayen ee xilka looga qaaday ay arintaasi taahy.