Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Xal laga gaaray Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.
Xaflad lagu qabtay Hotel ku yaala Jowhar oo ay kasoo qeeyb-galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Madaxweyne Ku Xigeenka,Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenadiisa islamarkaana uu Goob-joog ahaa Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in Mooshinkii dib loo celiyay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre oo Goobta ka Hadlay ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga Keenay Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare uu ahaa mid canaan oo laga doonaayay in uu dib iskugu laabto taasna uu gartay,sidaas lagu xaliyay.
Sidoo kale Xildhibaano Goobta ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay rajeeynayaa in aysan dib usoo laaban Arinta dhalisay mooshinka in laga keeno Madaxweyne Waare.
Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare Ayaa waxaa dadka qaarkiis qabeen in Iskaashiga Maamul Goboleedyaddu ay soo Abaabuleen,Xukumadda Kheeyre ayaana sidoo kale la tuhmaayay in ay Difaaca waare qarash ku bixisay