Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay khasaaraha qaraxyo gaari oo maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Villa Somalia.
Wariye Cawil Daahir Salaad, oo kamid ahaa shaqaalaha Universal TV iyo saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Telefishinka Universal ay ku dhinteen qaraxii koowaad ee ka dhacay agagaarka Tiyaatarka, xilli ay ku sii jeedeen xafiiska Telefishinka.
Allaha u naxariistee Cawil Daahir Salaad ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha uga caansan Soomaaliya, waxaa uu horay uga soo shaqeeyay Idaacadii Horn Afrik iyo idaacado kale.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa burbur xooggan u geystay dhsiamayaasha ka ag dhow Xarunta Tiyaatarka iyo Matxafka qaranka, waxaa ku dhintay dad ku dhow toban ruux.
Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa ah mid isa soo taraya, waxaana qaraxa ku soo aaday, xilli maanta aheyd maalin shaqo oo dadka isku diyaarinayeen in ay shaqo tagaan.