War Deg Deg ah:-Shaqaallaha Baratakoolka Xafiiska Madaxweynaha oo Dhamaantood Shaqada Laga Ceeyriyay!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka nagasoo gaaraya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqadda Laga ceeyriyay inta Badan Shaqaalaha Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo  gaar ahaan Kuwa qaabilsan Baratakoolka

Shaqaallahaan ka tirsan Qeeybta Baratakoolka Ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa laga reebay kaliya hal ruux iyadoo dhamaan intii kale la amray in shaqo joojin rasmi ah lagu sameeyo,waxaana amarkaasi Bixiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo

Sababta lagu ceeyriyay ama shaqadda looga joojiyay Shaqaalahaan ayaa lagu sheegay in ay tahay Cabsi soo wajahday Madaxweyne Farmaajo,Waxuuna Sameeyay Falkaani asigoo si weeyn uga baqaayo in Qatar amni kasoo wajahdo Shaqaallaha Xafiiskiisa Gaar ahaan kuwa Baratakoolka

Marka lagasoo tago Qatarta Amni Ee Madaxweyne Farmaajo ka baqay waxaa hadana jira cabsi kale oo kasoo foodsaartay dhanka Xafiiska R/wasaare Xassan cali kheeyre taasi oo ah in Siraha Madaxweynaha iqaar ka mid ah Shaqaallaha Barakatoolku ay la wadaagaan Xafiiska Kheeyre

Kala shakiga iyo wax kala Qariska Labadda Xafiis Ee R/wasaare Xassan Cali Kheeyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay Abuureeysaa Cabsi weeyn oo siyaasadeed oo labadood ka dhex tafan

Siyaasiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ceeb iyo fashil cad ku tilmaamay falkaani uu ku kacay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxeeyna sheegeen in laga baaqsan karay in Shaqaalle intaas la eg la ruqseeyo

Muqdisho Online ayaa waxaa ay isku day ineey Xariir la sameeyso qaar ka mid ah shaqaallaha la ruqseeyay hase’yeeshee waxaa ay ka cudur daarteen in ay xog intaan ka dheeri ah nala wadaagaan Maadaama ay taagan tahay dooda la xariirta Ceeyrintooda