War Deg Deg ah: Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana xigay rasaas, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku taallo xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle, isla-markaana ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi iyo sidoo kale kuwa gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa cuslaaday, kadib qaraxyadaas.

Kala Soco iixii soo kordha.