Faahfaahin dheeraad ah : Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho(Sawiro/Video)

Wararka hada soo gaaraya warqabadka Mol ayaa waxaa ay sheegayaan in jugta Qarax xoogan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay wadada makka-almukarama sida aan wararka ku heleeyno,waxaana hada la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka deg-dega ah.

Sida MOL horay idinkuugu soo gudbisay waxa jiray qorsho ay ka shaqeeynayaan qaar ka ka mida  hogaanka dalka kuwaas oo  doonayo in lagu qalqaliyo geliyo amaanka magalaada Muqsdishu ka hor inta uusan dhicin mudaharaadka berito loo balansan yahay.

Markii Qarax dhaco waxaa qasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka shacabka ah ee isticmaalo wadada Makkah-almukarama.

Qaraxaan ayaa ah  qaraxii labaad ee saacado gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan wadooyinka ay joogaan ciidan amniga u xilsaarnaa.  Qarxa ayaa la sheegyaa in uu ahaa qaraxy gaari waxaana hadda gubanaya babuuro badan oo yiilay wadada waqtiga qaraxa ku sugnaa. Waxa jira dhimasho iyo dhaawac

Warkaan waxii kusoo kordha kala soco Muqdisho Online

Advertisements