War Deg Deg ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qarax Gaari Hilux lagu xiray ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho e Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.

Goobjooge ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uu gaariga ku xirnaa islmarkaana uu qarxay xili uu marayay isgoyska Taleex.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaa ku dhaawacmay labo ruux oo gaariga saarnaa oo midi la sheegay in uu yahay qof cadaan ah (ajbani)