War Deg deg ah: MW Farmajo oo Qosheynaya inuu Xukun Degdeg ah kula Wareego Awoodaha oo dhan.

Reading Time: 2 minutes

Xog ay MOL ka heleyso madaxtooyada Somaliya ayaa xaqiijisay MW Farmajo uu qorsheynayo inuu dhowaan soo rogo Xukun degdeg ah oo laala ama joojiya ku dhaqanka dhaammaan shuruucda dalka. Tallaabadaas waxay madaxweynaha awood u siineysaa:

  1. Inuu la wareego dhammaan awoodaha kala duwan ee dalka ka jira.
  2. In uu kala diro ama xero golayaasha shacbiga.
  3. Inuu xero hadduu karo dhammaan isgaarsiinta dalka sida talefoonada, saxaafadda iyo internetka
  4. Inaysan ciidamada dalka sida boliiska, Nabadsugidda iyo CXD uu ka xayuubiyo awoodaha sharciga siinayo oo lagu dhaqmo amarkiisa oo kaliya.
  5. Inuu sameysto cutubyo isaga ka amarqaata oo qabta hawlkasta oo uu u diro sharci iyo sharcidarro middey doontaba ha noqotee.
  6. In ciidanka uu sameysto uu ku weeraro dad uu ku sheego inay yihiin qaswadayaal sida mucaaridka iwm oo hadda iska aamusan balsa ay dhici karto in guryahooda loogu dhaco.

Haddaba xaaladda Somaliya oo lawada ogyahay, is aamindarrada ka dhaxeysa beelaha Somaliyeed ee ay dowladda iyo Barlamanada ka sameysan yihiin, ciidamada hadda gadoodsan iyo habdhaqanka foosha ee RW kheyre dab ku sii shidaya xaaladda mar waliba waxaa ka dhalan kara:

  1. In xukunka degdegga ah uu socon waayo shuruucdiina la laalay oo uu dalku fowdo galo, halkaasna uu ka bilowdo mar kale dagaal sokeeye.
  2. In beelaha qaar, gaar ahaa kuwa Xamar deggan oo u fahma in iyaga loola dan leeyahay xukunka degdegga ah maadaama aysan jirin wax laga rumeysan karo kheyre iyo Farmajo, kadibna ka fal celiyo taasoo keeni karta in si fudud uu isku dhac u bilowdo.
  3. Ciidanka gadoodsan oo xoog ku soo gala caasimadda oo inta jidadka istaaga isbaarooyin dhigta, soona erya dhammaan caanshuur qaadayaasha dowlada ee suuqyada canshuurta ka qaada.

Haddaba si aan xaaladaas loo gaarin waxaa haaboon in MW Farmajo uu yeesho dadnimo iyo waddaniyad oo intuu golaha shacbiga hortago Arbacada yiraahdo waan is casilay waxaana xilka sii haynaya Gudoomiyaha Barlamanka iyadoo si degdeg ah muddo 30 maalmood ah lagu doorto Madaxweyne Cusub oo dalkaan u jeexa jid cusub si loo badbaadiyo.

Badbaadada dalka waa inay ka qayb gashaa qofkasta oo waddaniyad isku og. Dowladdaan iyo MW Farmajo inaan doornnay oo aan wax badan ka sugeynay dambi maaha laakiin wax dambi, damiirxumo, doqonnimo iyo dayacaad nafteenna iyo dalkeena ah markaan qiran weyno khaaladkeeda, iskana qaban weyno oo aan u ogolaanno inay wax badan naga baabi’iso. Ma jiro maanta qof rabbi ka cabsanaya oo aan fahamsaneyn in dowladdu fashishay marka laga reebo dhuuniracyada reer waaliba leh oo ay si xaaraan ah u biisho.