War Deg Deg ah: MOL ayaa Ogaatay in Waddamada UK iyo US oo Wada Digniinno loo dirayo Xildhibaanada iyo Saraakiisha haysta Dhalashadooda

Reading Time: < 1 minute

Xog ay heshay MOL ayaa sheegeysa in dowladaha Mareykanka iyo UK ay ka wadahadlayaan in ay digniino u diraan Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada iyo siyasiyiinta haysta dhalashooda oo taageeraya muddo kordhinta sharcidarada ah ee aburtay khalkhal amni iyo mid siyaasadeed inay Somaliya gasho xelligaan.

Muddo korosigaan sharcidarrada ah wuxuu ka hor imanaya dimoqradiyaddii soo koreysay ee Somaliya iyo mabadgelyada gobolka. Dowladaha US iyo UK waxay u sheegeen dowladaha kale ee EU iyo kuwa gobolka inay qaadaan tallaabadaan mid la mid ah ka hor inta aan la soo rogin cunaqabateynta ku aadan shakhsiyaadka hormuudka ka ah dhimashada dadka, barakaca iyo weeraraada socday dhowrkii maalmood ee tagay oo lagu weeraray siyaasiyiin ku doodaya distuurka dalka ha lagu dhaqmo oo doorasho ha la qabto oo kaliya.