Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xilkii laga qaaday Gudoomiyahii Degmdaasi iyo Ku Xigeenkiisii.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisi waxa uuna magacaabay Gudoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen cusub.
Arintaan ayaa waxaa la rumeeysan yahay ineey qeeyb ka tahay khilaafka Madaxda Galmudug maadaama Cadado ay xarun u tahay Garabka diidan siyaasada Madaxweyne Xaaf