Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan iney jiraan qalalaaso maamul iyo eedo laga tabanayo madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Arrinta ugu daran ee hadda cabashada ay ka taagan tahay waxay tahay in Shariif Xasan uu Akoonada ka xirtay shaqaalaha maamulka iyo Xildhibaanada,islamarkaana uu diiday inuu bixiyo musharaadka iyo xuquuqda xaqa loogu leeyahay.
Sidoo kale,Caqabada ugu weyn ee hadda deegaanada Koonfur Galbeed ka taagan waxay tahay isbaarada ay dhigtaan Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago xad dhaaf ah gaadiidka looga qaado.
Ciidanka Militariga ayaa lagu eedeeyay in la dejiyay Ex-Control ilaa iyo Leego.waxayna dhibaatada ugu daran ka jirtaa jidka Baydhabo iyo Xamar isku xira.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ay ku furan yihiin Xiisado siyaasadeed ayaa hadda la soo baxay weji cusub oo uu ku cunaqabatenayo Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee dhibaatada ku haya.