War Deg Deg ah: Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Furitaanka Kalafadhiga 5-aad ee Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta Kalfadhigiisa 5aad si rasmi u furmaya, Madaxweyhaha oo lagu waday inuu furo kalfadhigan ayaa ka baaqday. Wararka laga helayo xaruunta aqalka Sare ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha ka cabsaday inay xildhibaanada ku qabsadaan isla goobta, iyadoo ay u dheer tahay cabsi uu ka qabo in goobta lagu soo weerarao.

Madaxweynaha ayaa waxaa la leeyahay maalmihii dambe waxaa ku adkaa inuu dhaqdhaqaaq badan sameeyo cabsi badan oo soo wajahan.

Senatarada Aqalka Sare ayaa isku raacay in Kalfadhiga uu furo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, halka Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka qeyb galaya uu noqdo marti sharafeed, maadaama Dastuuriyan Ra’iisul Wasaaraha laheyn hab maamuuska furitaanka Kalfadhiyada Baarlamaanka

sida MOL loo xaqiijiyay Senatarada Aqalka Sare ayaa arinkaan aad uga carooday,waxaana la isweeydiinayaa sababta Madaxweynahu uga baaqday kulankaa.