Waaxaha Arrimaha Dibadda iyo Lacagta ee Mareykanka ayaa ka yeeshay kulan degedeg ah xaaladda Somaliya iyo Curyaamnta Doorashada kadib markii maalmihii u dambeeyey ay dareemeen in Masuuliyiin Villada iyo Maamul goboleedyada ka tirsan ay is hortaag ku wadaan gabag gabeynta Doorashada Somaliya.
Xog ay heshay MOL ayaa sheegeysa in haddii maanta 27/04/2022 oo loo asteeyey doorashada guddoonka golaha shacbiga aysan u dhicin sidii qorshuhu ahaa inay soo saarayaan liiska cunaqabateynta kama dambeysta ah ee xubnaha wada curyaaminta.
Liiska waxaa ku jira Madaxda dalka qaarkood, kuwa maamul goboleedyada qaarkood iyo saraakiil ciidamada kala duwan ka tirsan.
Wixii ku soo kordha halkaan kala socda.