[Deg Deg]: Jen. Xuud oo loo shirqoolayo in Xamar Lagu Xero.

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay Villa Somaliya ayaa sheegaya in Farmajo iyo Fahad ay go’aan sadeen inay Xamar ku xeraan Jen. Abuukar Xaaji Warsame  Xuud. Jeneraalka oo in m uddo ah ka soo horjeeday maamul Goboleedka H/Shabeelle ayaa waxaa shalay ku qanciyey inuu Xamar u raaco Jen. Bixii oo ah Taliyaha ciidanka Lugta ee Somaliya, qaraabana la ah Farmajo iyo Maxamed Siyaad.

Jen. Biixi oo lagu yaqaanno khiyaanada iyo dhibaateynta beelaha dega H/Shabeele Iyo Banadir ayaa waxaa uu cabsi weyn ka qabaa in Jen. Xuud uu ugu dambeynta diido in la musuqmaasuqo kuraasta Balatweyne taalla si Fahad Yaasiin uu kursi halkaas uga soo helo

Jen. Abukar Xuud maaha shakhsi ay khiyaani karaa Farmajo iyo Biixi ayey dad badani qabaan waxaana uu haddaba fahmay shirqoolkaan oo waxaa uu ka soo horjeestay qorashahaas. Warar ay heleyso MOL ayaa sheegaya inuu dhakhsaba bilaabay inuu u kuurgalo sidii uu uga baxsan lahaa in dabin sahal ah uu ku dhaco, kadibna Xamar lagu xero.

Weli lama oga waxa uu ka yeelayo, waayo Jen. Xuud uma badna ayey leeyihiin dadka yaqaanna inuu qaada qaate yahay oo uu Farmajo iyo Fahad kula heshiinayo  burburinta masiirka umadda reer Hiiraan, xurguf kasta oo kala dhaxeysa Maamulka H/Shabeelle ha jirtee.