War deg deg ah: Fashilintii Shirarka oo Halkeedii uu ka sii Wado Farmajo.

Reading Time: 2minutes

Waxaa muuqata in dowladdii xilkeedu dhammaaday ay mar waliba shacbiga ku marin habaabineyso been iyo xaalad abuur joogto ah. Waxaa maanta markale soo hadlay Dubbe oo aan waligii wax kheyr leh ku hadal ayaa haddana hadda Shacbiga Somaliyed ee sugayey in heshiis laga gaaro arrimaha doorashada uu diidan yahay Farmajo ayaa la soo shirtagay hadal Nabyo iyo Nacasanimo u muuqday. Waayo dowlada ku eedeyneysa xubin iyada ka mid ah inay wax ka socon waayeen sidii laba dal oo kale.

Waxaa muhiim ah in beesha Caalamka, dowladaha daneeya arrimaha Somaliya iyo Shacbiga Somaliyeed ay ogaadaan in hadda kadib wadahadal kasta oo Farmajo iyo Rooble lala galayaa uu noqodo mid saxaafadda ay goobjoog ka ahaato si loo ogaado cidda waxa diideysa iyo cidda wax dafireysa. Waana inay noqdaa ugu yaraan laba saxaafadda madaxa bannaan ah toosna loo daawan karo sidii doorashooyinkii dalka Soo maray.

Dowladaha ay dowladdaan ku jirtaa, dowlad federaal ahna ku tahay waa xubnaha dowlad goboleedyada oo ah tiirarka ay ku taagan tahay, haddaba MW xilka ka dhamaaday waxaa uu u yimid iyadoo gacmaha la is haysto oo wanaagga dalka laga wada shaqeynayo, hasa yeshee maanta waxaan Ilahay ka baryeynaa inuu intaan nooga tago oo uusan dalka sii kala goyn.

Durbaba wasaradda Arrimaha daibadda ayaa bilowday inay waraaqo u qorto ururrada Caalamiga sida UN/Golaha Amaanka, EU iyo Jaamacadda Carabta iyadoo la faray inay u sheegto:

  1. In dowladdii Dhacday ee Farmajo ay qaban doonto Doorashadii qof iyo Cod ee ay Xalima Yarey Garwadeenka ka ahayd.
  2. Si taas loo qabto waa in dowladda iyo Barlamaanka wada dhintay ee uu waqtiga ka dhammaday in ay ku wada darsadaan 2 sano.
  3. In Farmajo uu ka shaqeeyo inuu fashiliyo shirka hadda socdaa iyo mid kasta oo la qabto isagoo marka caqabd laga gudbaa uu mid kale la yimaado.
  4. In daadaal kasata lagu bixiyaa inaysan kala tagi karin kooxda u xareysan ee Qoorqoor, Guudlaawe, Lafta Gareen, Cumar Finish iyo Rooble oo xataa khasab loo adeegsado kii siku daya xelligaan inuu xaqa iyo shacbiga xaggooda u iisho.

Xogta hadda laga helayo shirka waxaa ka mid ah:

  1. Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland. Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay odayaal ka soo jeeda Gedo.
  2. in amniga doorashada cidda qaadaneysa laga wadahadlo, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu diiday inuu wareejiyo awoodda amni iyo maamul ee doorashada.

Maxadweynaha Puntland ayaa waxaa uu la idacadda VOA laanteeda Soomaliga waxaanu sheegay in been laga sheegay Puntland iyo Jubaland oo la sii daayey muuqaal horay loo diyaariyey Wareysiga halkaan ka dhageyso

Sidoo kale waxaa magaalada iyo braha bulshada Somaliyeed wareegaya muuqaal codeysan oo runtii si wanaagsan u cabairaya xaaladda iyo damaca Farmajo iyadana halkaan hoose ka daawo.