War Deg Deg ah:-Farmaajo iyo Wafdi La socda oo Kusii jeeda Magaalada Baydhaba!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow waxa uu gaari doonaa Magalada baydhabo ee Xarunta gobolka Baay halkaas oo manta uu ka furmayo shirka Amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa Madaxweynaha uga sii horeeya baydhabo,waxana lagu wadaa in Madaxweynaha uu furo Gelinka dambe ee maanta Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxna socota qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha,waxaana sidoo kale halkaasi tegi doonaan madaxda Maamul goboleedyada.