Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in maanta la sheegay iney mar kale dib u dhacday doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya oo la filayey iney qabsoonto 5ta bishaan afar maalmood kadib sidii ay hore u shaaciyeen Xubnaha Gudiga doorashada.
Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Decembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga.
MUQDISHO ONLINE oo soo xiganaysa Xubno ka tirsan Guddiga ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada ayna ka taagan buuq arintaan ku saabsan gudaha gudiga iyo guud ahaan magaalada Baydhabo.
Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 Decembe